Maalintii labaad waxaa xiran suuqa kalluunka Kulmis ee degmada C/casiis, iyadoo ganacsatada Malaayga iyo xoogsatada kalluumeysiga ay si weyn uga cabanayaan dhibaatada lagu hayo.
Ganacsatada Kalluunka ku iibiya Kawaanka Liido ee degmada CabdiCasiis ee Gobalka Banaadir ayaa wada bannaanbax, iyadoo xiray wadooyinka qaarkood, waxayna socod ku tageen taallada Daljirka Dahsoon, iyagoo u dhawaaqayey in dhulkii la iibsaday, ayna shaqeyn la’ yihiin.
Dibadbaxayaasha ayaa socodkooda ka soo bilaabay Xeebta Liido, waxaynaa ayna ugu dambeyn isugu yimaadeen Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, iyagoo ku eedeeyay dowladda iyo maamulka G/Banaadir inay kumanaan qof u diidan yihiin shaqadoodii.
Ciidamada ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa ku amray ganacsatada inay ka guuraan suuqaasi oo la sheegay in dhulka uu ku fadhiyo la iibsaday.