Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Taabit Cabdi oo ka hadlay Dagaalada, Qaraxyada iyo Wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho [Akhriso]

    Taabit Cabdi oo ka hadlay Dagaalada, Qaraxyada iyo Wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho [Akhriso]

    April 6, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dagaalo shaar qabiil huwan oo shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho, wuxuu tilmaamay iney tahay nasiib daro weyn in 2018 ay Xamar ka dhacaan dagaalo qabiil, wuxuu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay shaqaaqadaas isagoo fariina u diray laamaha Dowladda ee ay quseyso arrintan.

    Qoraal uu soo dhigay bogiisa rasmiga ah ee Facebook ayaa u qornaa sidaan hoos.

     Tacsi iyo Tallo soo Jeedin

    —————————————————————

    Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ehelada shacabkii ku dhintay shaqaaqooyinkii shalay ilaa xalay ka dhacaayay Muqdisho iyo qaraxyadii maanta Xamar ka dhacay, waxaan lee yahay Allaha u naxariisto dadkaa gardarada ku dhintay, dhamaanteenna samir iyo imaan Allaha naga siiyo, sidoo kale kuwa ku dhaawacmay iyagana Allaha caafiyo.

    Dagaalada dhex mara ciidankeenna waa kuwa soo noq noqda una baahan in qorshe cad loo sameeyo si loo xakameeyo, waa nasiib darro weyn in 2018 aan aragno Xamar oo dhowr saacadood ay ka socdaan dagaallo shaati qabiil loo galiyay.

    Waxaan ugu baaqaya kooxaha dagaalamaya in ay nabad iyo wada hadal wax ku raadiyaan, u turaan shacabka ayna ogaadaan inuu xisaabtan jiro, mar walba oo uu dagaal dhaco waxaa naga baxa dad muhiim u ahaa bulshadeenna, dagaal hadii uu faa’iido lee yahay waxaa nagu filan inaan dib u fiirino 27kii sano ee lasoo dhaafay.

    Hay’addaha Amniga, Maamulka Gobalka Benaadir iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaan ka codsanaya in ay xoogga saaran sidii loo damin lahaa colaadda, sidoo kalana ay magacaaban gudi soo afjara xiisadan soo noq noqotay.

    Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada, Culimmada, Haweenka iyo Dhallinyarada waxaan lee yahay kaalintiina qaata, waad ogtihiin Muqdisho iyadaa horey u dhiig baxeysay mana xamili karto dhibaato cusub.

    Dhinaca kale, xiisadda siyaasadeed ee maalmahan ka taagan Muqdisho waxey culees badan saartay shacabkii magaalada oo laga xiray dhamaan jidadkii ay isticmaali jireen, xaqiiqdii aadbey ii gubtay markii la ii soo sheegay hooyo xaamilo ah oo laamiga ku foolaneysa.

    Siyaasiyiintu waa in ay ogaadaan awoodoodu waxey ku egtahay inta ay shacabku kacayaan. Fadlan Muqdishaawiyiinta yaan cadaadiska lagu badin oo laga xayirin nolol maalmeedkooda.

    Khilaafka siyaasiga ah ee taagan uma baahna xoog iyo cudud ciidan toona, waa in la aada dhanka sharciga si xal loo helo, kaas hadii aan iska indho tirno wax badan ayaa naga halaabi doona.

    Ugu dambeyntii waxaan soo dhaweynayaa #DhawaqaDhalinyarada waxaana leeyahay marwaliba doorkiina waa muhiim. Waxaad xaq u leedihiin mustaqbal la mid ah kuwa jiilalkii hore ay ku heleen bilaash.

    Badbaado iyo badbaadin baan idiin wada rajeeynayaa.

    Mdne: Thaabit Cabdi Maxamed

    G/Banaadir Muqdisho Qaraxyada Taabit
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Amniga oo fashiliyey Weeraro Qorsheysan & Maleeshiyooyin lagu dilay Gaarigii Labaad ee Qarxay [Sawirro]
    Next Article Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari oo codsi u diray [“Si sharaf leh isaga tag intaan lagu jiidin..]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo