Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Taabit Cabdi oo si kulul uga hadlay Xaaladda Muqdisho iyo Mooshinka Jawaari [Akhriso farriin culus & Baaq]

    Taabit Cabdi oo si kulul uga hadlay Xaaladda Muqdisho iyo Mooshinka Jawaari [Akhriso farriin culus & Baaq]

    March 23, 2018Updated:March 23, 20182 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa qoraal uu soo diray uga hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho iyo mooshinka siyaasadeed ee hareeyay Baarlamaanka Federaalka.

    Qoraalka oo meelo badan taabanaya halka ka akhriso.

    Allaha u naxariisto dhaman intii ku dhimatay qaraxii shalay ee agagaarka hotel Weheliye iyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay Degmada Yaaqshid iyo shacabkii dawada ku sumoobay, sidoo kale shaqaalihii nadaafadda G/Benaadir ee haweenka u badnaa oo dharaar cad sun lagu buufiyay iyaga oo waajibaad qaran gudanaya wiliba shaqada midda ugu adag iyagana waxaan lee yahay Allaha caafiyo.

    Dhacdooyinkaas oo dhan waxay gaar u ahaayeen shacabka, oo ay aheyd in ka hortag la sameeyo amaba marka ay dhacaan lala gaaro gurmad iyo gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah. Bisha Maarso waxay ka mid tahay billaha ugu kuleylka badan Soomaaliya, bal qiyaas Maarso oo dhib dabiici ah wadatay hadii duruufo gurmad la’aan ah kuugu darsanto laguguna fiirsado. Waxaan aad u dareemayaa xanuunka dadka danyarta ah oo aan cidna u maqneyn.

    Shacabka ku nool G/Benaadir wuxuu ku dulqaataa duruufo adag oo midba mideeda kale ay ka darantahay, waana shacabka kaliya ee bixiya canshuurta ay Dowladda Federaalka ku shaqeyso. Wax u qabasho iskaba daayee waxaa sidii xili-roobaadka oo kale loo sugaa in dhaanto siyaasadeed lagu dul dheelo.

    Ugu dambeyntii, dowladnimada aynu maanta heysano waxaa aas-aas uu ah Hay’addaha Sharcidejinta sida; Labada Gole ee Baarlamaanka, hadii aas-aasku liico, waa qarannimada oo liicday. Golaha shacabka waxay matalaan shacabka, shacbkuna xaq buu u yeelanayaa in dareenkooda ay muujiyaan hadii xaalku sidan sii ahaado.

    Waxaan ku baaqayaa:

    1. In la ilaaliyo sareynta sharciga, oo aanan dano gaar ah danta guud laga hormarin.

    2. In la ilaaliyo xasaanada xarumaha dowladda, hay’addaha amnigana aan laga weecin sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada oo qaraxa iyo sunta la beegsanaya shacabka.

    3. Maamulka Gobalka Benaadir waxaan ka codsanaya inuu dhugmo u yeesho dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacaya xaafadaha Muqdisho iyo inuu sameeyo gurmad deg deg ah.

    4. Muqdishaawiyiinta gaar ahaan dhallinyarada waxaan ugu baaqaya iney hurdada ka toosaan, oo ay iska wareystaan sidii ay kaalin mugleh uga qaadan lahaayeen nabad raadinta iyo u gar-gaarida dadka dhiban. Waxaan hubaa inaad wax badan qaban kartaan hadii aad fikirkiina mideysaan oo aad fulinna ku dartaan.

    Ugu dambeyntii, waa in biseylka shacabka marna aanan la beerdareyn, mudanyihiina in loo turo oo aan dushooda dhaanto siyaasadeed lagu dheelin.

    Mahad badan 
    Mdne: Thaabit Cabdi Maxamed

     

    G/Banaadir Mooshinka Jawaari Muqdisho Taabit Cabdi Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMooshinka Jawaari oo dhaliyey Dood ku saabsan Wasiirada xildhibaannada ah ee ka tirsan Xukuumadda [Akhriso]
    Next Article XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ku laabtay Villa Somalia iyo Waanwaan lagu qanciyo Guddoomiye Jawaari oo socota

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo