Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in dad tageerayaasha musharax kusoo bixi waayay doorashadii Golayaasha Degmooyinka ay xirteen wadadda u dhaxeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Gebiley.
Dadkan oo ka careysay inuu soo bixi waayey nin ka sharaxnaa Xisbiga UCID oo u tartamayey Golaha degaanka degmada Gebiley ayaa joojiyey isku socodka wadadda isku xirta Gabiley iyo Hargeysa iyadoo agagaarka degaanka Arabsiyo ku jaray Taayaro iyo dhagxaan.
Halka rabshaduhu ka dhaxeen ayaa ah degaanka Carro-yaambo ee duleedka Degmada Arabsiyo, waxaana ku xayiran dadkii gaadiidka watay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Booliska ay halkaasi gaareen, ayna kala eryeen dadkii bannaanbaxa waday, iyadoo xaaladii caadi kusoo celiyay.
