Saxafiyiin dhowr ah oo taageersan Cumar Faaruuq Cusmaan oo muddo dheer xilka xoghayenimo ee ururka NUSOJ soo hayay ayaa isugu tegay magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, halkaasoo la filayo inay dib ugu doortaan Cumar Faaruuq.
Shirkan oo loogu magac daray shir weynihii 4-aad e ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo abaabulay, kana danbeeya ninka lagu magacaabo C/risaaq Sheekh Adduun oo ah la-taliyaha madaxweynaha Puntland ee arrimaha Bulshada, waxaana la yaab leh inuu weli sheeganayo xilka Guddoomiyaha NUSOJ.
Dadka ka qeyb galay furitaanka shirkaasi waxaa ka dhex muuqda oo kaliya duqa Gaalkacyo C/casiis Jaamac Guuleed, iyo ninka Wasaaradda Wafaafinta Puntland u qaabilsan Gaalkacyo C/naasir Bedel Qalaf, waxaa kaloo shirka lagu arkay oo dadkii ka hadlay ka mid ahaa wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Caasha Geelle Diiriye.
Waxaa shirka la isugu keenay tobanaan saxafi oo in ka yar 10 ay ka tagtay magaalada Muqdisho, waxaana masraxiyadda Gaalkacyo loola qaxay ay muujineysaa in heerka ay gaarsiisan tahay daneysiga shaqsiyadeed iyo ku takri falka magaca saxafiyiinta dhibaateysan ee Soomaaliya.
Dhowaan ayay ahayd markii saxafiyiinta Soomaaliyeed ay Muqdisho ku doorteen markii ugu horeysay hogaan ay leeyihiin oo uu guddoomiye u yahay Maahir Jaamac, halka xoghaye loo doortay Maxamed Ibrahim Macalimuu.
DAAWO MASRAXIYADDA SHIRKA CUMAR FAARUUQ EE GAALKACYO
AKHRI WAREEGTADA LAGU MAGACAABAY SHEEKH ADDUUN
Wadani.com