Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday tacsida iyo baroordiiqda loo sameynayo madaxweynihii hore Marxuum Cali Mahdi Maxamed, iyadoo lagu dhawaaqay xilliga la keenayo dalka.
Guriga Qoyska Cali Mahdi waxaa booqday mas’uuliyiin iyo odayaasha dhaqanka oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, iyado qoyska iyo ehelka uga tacsiyadeeyay Geerida maxruumka.
Dhinaca kale Guddiga Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore ayaa kulankoodii ug horeeyay ku shaaciyey in Meydka Marxuumka la keeni doono Magaalada Muqdisho Berri oo Jimce ah, kuna beegan 12-ka Maarso 2021.
Waxaa lagu wadaa in Mudisho lagu aaso marxuumka, iyadoo si heer qaran ah loo maamuusi doono, waxayna dowladda ku dhawaaqay in muddo 3 maalmood ah loo baroordiiqi doono.


