Taloyaha ciidamada Taraafikada Gen. Maxamed Xuseen Madaalle ayaa digniin kasoo saaray gawaarida la dhigo wadooyinka magaalada Muqdisho inta ka harsan ciidul fitriga iyo maalmaha ciiida.
Taliyaha aya sheegay inaan wax gaadiid ah la dhigi karin wadooyinka Muqdisho iyo xarumaha ganacsiyada hortooda, isla markaana Gaarigii halkaasi la dhigo ay ciidamada la wareegi doonaan, iyado qofka lehna ciqaab uu mudan doono, wuxuuna milkiilayaasha xarumaha ganacsiga ku amray inaysan ogolaan in gancsigooda hortooda la dhigto baabuur.
Gen. Madaalle ayaa sheegay inaan la ogolen saddex daqiiqo ka badan inay wadooyinka taagnaadaan gaadiidka dadweynaha, si loo sugo amniga maalmaha ka haray bisha Ramadaan iyo maalmaha xigta ee Ciidul Fitriga, wuxuuna sheegay inaan la arki karin gaadiid aanu ku jirin qofkii waday.
Dhinaca kale Taliyaha ciidamada Nabadgelyada Wadooyinka ayaa amray in dadka degan xarumaha Jaamacadda Umadda, Madbacadda Qaranka iyo Bankiga dhiigga inay isaga guuraan oo dhulkaasi lagu qaban doono dan guud, wuxuuna u qabto muddo laba toddobaad ah.