T aliska Ciidammada Xoogga Dalka ayaa warkii ugu horeysay kasoo saaray weerarka Alshabaab saaka ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Ballidoogle, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Taliska ataa sheegay in Ciidanmada xoogga Dalka iyo Saaxiibbada Mareykanka ay iska caabiyeen weerar loo adeegsaday Baabuur Qaraxyo ka buuxaan oo Alshabaab kusoo qaadeen Saldhigga Ballidoogle, waxaana warka intaas ku daray in Alshabaab ku fashileem weerarka, iyadoo ciidamada iskaashanaya ay muddo 10 daqiiqo ah kusoo afjareen weerarka, iyadoo aanu soo gaarin wax khasaare dhimasho ah.
Waxaa kaloo taliska ciidamada xoogga dalka uu sheegay in la dilay dhammaan maleeashiyadii Alshabaab weerarka tooska ah kusoo galay saldhigga, iyadoo aan wax tiro ah la sheegin,
Alshabaab ayaa dhinaceeda sheegtay inuu weli socdo dagaalka Saldhigga Balidoogle oo ay gudaha ugu jiraan maleeshiyadeeda dagaalka ku gashay, waxayna sheegteen inay weerarka ku dileen ilaa 100 askari oo aysan faahfaahin ka bixin, isla markaana uu burrbur xoog leh soo gaaray qeybo ka mid ah sladhigga.
Waxay kaloo Alshabaab sheegatay inay burburisay diyaarado isugu jira Helikobtar iyo Drone oo saldhigga yaallay, iyadoo warka Alshabaab u muuqdo inuu yahay dagaal warbaahineed oo aad uga fog xaqiiqada, walow aan la helin warar madax bannaan.