Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Taliyaha AMISOM ee Hiiraan oo bixiyay sir ku saabsan falalka ciidamada Itoobiya oo ka mid ahayn AMISOM

    Taliyaha AMISOM ee Hiiraan oo bixiyay sir ku saabsan falalka ciidamada Itoobiya oo ka mid ahayn AMISOM

    August 17, 2015Updated:August 17, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Taliyaha Qaybta 4-aad ee AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan Korneel Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil ayaa markii ugu horeysay qiray in qaar ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya aysan ka tirsanayn ciidamada AMISOM.

    Taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada Amisom Col. Cabdiraxmaan Dhimbil
    Taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada Amisom Col. Cabdiraxmaan Dhimbil

    Korneel Cabdiraxmaan ayaa waraysi uu siiyey VOA-da waxa uu ku sheegay in go’aanka ay ciidamada Itoobiya kaga baxeen magaalada Halgan uusan ahayn mid ka yimid AMISOM balse ciidamada Itoobiya ay amarkaasi ka heleen magaalada Addis-Ababa. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dawlada Soomaaliya qeexdo doorka ciidamada Itoobiya ee aan ka midka ahayn AMISOM.

    Taliyaha ayaa sheegay in tagista Halgan aysan markii horeba ahayn howlgal Amisom, balse ayaga oo ku guda jiray howl gal ay jidka ku furayaan ay sii raaceen ciidamada Ethiopia, kadibna ay halkaas qabsadeen. Ciidamada Ethiopia, ayuu sheegay inay ku shaqeynayeen barnaamij Addis-Ababa laga soo siiyey oo uusan shaacin waxa uu ahaa.

    Korneel Dhimbil ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee Jabuuti ee tagay Halgan ay ahaayeen tiro aad u yar, oo aan kaligood ku filneyn joogitaanka Halgan.

    “Markii ay ciidamada Ethiopia baxeen, ciidamadeena waan ku hayn karin waynay Halgan, maadaama ay ahaayeen tiro aad u yar” ayuu taliyaha u sheegay VOA-da. Waxa kale oo uu ku warramay inay si kasta ula hadleen ciidamada Ethiopia, balse ay ku kari waayeen inay sii joogaan.

    Si katsaba, waxa uu ballan qaaday in ciidamada Amisom ay dib u qabsan doonaan Halgan iyo deegaanada kale ee gobolka Hiiraan oo ay joogaan Al-Shabaab, islamarkaana ay dib u furi doonan waddooyinka xiran sida waddada isku xirta Beledweyn iyo Buul-Burde.

    Ciidamada Amisom ee ka baxay Halgan ayaa iminka ku sugan deegaanka Booco, sida uu sheegay taliyaha.

    Hoos ka dhageyso wareysiga taliyaha VOA la yeelatay

    http://av.voanews.com/clips/VSO/2015/08/17/c49948ca-23b1-46e9-8e09-ff6c0d8cd9d4_original.mp3

    Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka C/qaadir Sheekh Cal Diini oo VOA wax ka weydiisay inuu wax ka og-yahay ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka mid ahayn AMISOM oo ku sugan gudaha Soomaaliya ayaan jawaanb waafi ah ka bixin, wuxuuna sheegay mararka qaar xiriir la sameeyaan kuwa AMISOM. Wuxuu intaas ku daray in ciidamada kale xiriir yeelan karaan oo aan la oran karin inaysan xiriir la yeelan karin.

    Xigasho: VOA

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    C/raxmaan Dhimbil Hiiraan Itoobiyaanka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Qaar ka mida Xildhibaanadii saxiixay mooshinka oo shir jaraa’id qabanaya (Isbedel)
    Next Article DEGDEG: Xildhibaano shaaciyay in laga been abuurtay saxiixa mooshinka Madaxweynaha

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo