Taliyaha ciidamada Asluubta Gen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa si kulul uga hadlay falkii ka dhacay shalay Barta Koontaroolka ee ciidamada Asluubta ee lau rasaaseeyay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Taliyaha oo markii labaad hadlay kadib raaligelintiisii xalay ayaa saaka shaaciyey in khaladka uu lahaa Gaari Cabdi Bille ah oo la socday Madaxweynihii hore, kadib markii rasaas soo furay gaarigii ka horeeyay Kolonyada.
“Waxay wax u dhaceen Gaari Cabdi Bille ah ayaa maray Koontaroolka Askarta, waxay ahayd inuu istaago oo u sheego inuu wado madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh jidka waa loo furi lahaa… muddo cabaar laga joogo waxay ciidamada joojiyeen Gaarigii kale, baabuurkii gudbay ayaa dib rasaas u soo furay.. Gaarigii Cabdi Billaha ahaa dhibaatada sameeyay, wuxuuna dili gaaray ninkii uu waardiyeynaayey .. Haddii ciddi xabbad kuugu soo rido, aadan aqoon… adna aad xabbad heysatid .. faataxo la akhrin maayee xabbad ayaa loogu jawaabayaa. Asluub ma bilaalin rasaasta..” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Asluubta oo si kulul uga hadlay arrintan.
Wuxuu sheegay in ciidamada Asluubta ay meesha u joogaan ilaalada Amniga Xabsiga iyo Maxkamadaha oo weerarro badan ka dhaceen, balse aysan u joogin inay cid dhibaareeyaan. “”Ma jirto qof muwaadin ah oo ay amar u qabaan inay dilaan, mana dhici karto” ayuu yiri.
Wuxuu Taliyaha Asluubta ka dalabday Xasan Sheekh Maxamuud iyo ciddii tiri in rasaasta dhacday loola dan lahaa ay raali gelin ka bixiyaan arrintaasi, wuxuuna madaxdii hore ee dalka u sheegay inay ciidamada Asluubta ay yihiin ciidamo qaran oo ay madax u yihiin ayna ka rabaan raaligelin.
“Wadadda ugu nabadgelyada badan waa tan kaliya ee aan anaga joogo, waxaan codsaneynaa ciddii meesha mareyso inay is sheegto oo la hubsado, waxaan ilaalineysaa caddowga Alqaacida” ayuu yiri Gen. Mahad C/raxmaan.
