Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay inuu isagu bixiyey amarka lagu xira suuqa Malaayga ee xeebta Liido, degmada C/casiis, Gobolka Banaadir, kaasoo dhaliyey bannanabaxyo rabshado wata oo ay dhigeen kalluumeysatada iyo ganacsatada kalluunka.
Isagoo maanta ka hadlayay amarka lagu xiray Kawaanka Malaayga Degmada Cabdicasiis ayuu sheegay in sababta loo xiray suuqa ay ahayd arrimo amni iyo nadaafadeed, wuxuuna ku dooday inuu Jimcihii hore tegay Xeebta Liido, kuna arkay kumanaan dhalinyaro ah, iyadoo kaluumeysatada ay Malaay dhiig ka da’ayo ku dhex wadaan biyaha xeebta, taasoo keeni karta in Yaxaas badeedku soo raaco oo dadku waxyeello u geysto.
“Waxaan imid Jimcihii lasoo dhaafay Xeebta Liido oo ugu yaraan ay ku ciyaarayaan ama ay ku dabaalanayaan Boqolaal kun oo qof, waxaan arkay Malaay lagu qalay xeebta oo dhiig ka da’ayo, amarka lagu xiray xeebta aniga ayaa lahaa oo ahaa inaan Xeebta lagu arkin Kalluun qalan” ayuu taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo u muuqda inusan arrinta ogeysiin degmada iyo gobolka Banaadir.
Kawaanka ayaa dib loo furay markii maamulka Banadir iyo taliska booliska ay tageen goobta, iyagoo kulan la yeeshay Guddiga Kalluumeysatada, waxaana ganacsatada lagu amray inaysan Kalluunka ku jar-jarin Xeebta, kana ilaaliyaan dhiiggiisa.