Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax weyn oo magaalada Muqdisho ka dhacay, kaasoo ahaa mid loo adeegsadya Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.
Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa lala beegsaday Gaadiid uu la socday Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aaden (Farxaan Qaroole) oo Gaari uu la socday halkaas mareyay xilliga qaraxa dhacay.
Waxaa la xaqiijiyey inuu Taliyaha Booliska G/Banaadir Farxaan Qaroole ka badbaaday qaraxa loola dan lahaa in lagu khaarijiyo, laakiin waxaa ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
“Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay afhayeenka Booliska.
