Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Taliyaha Ciidamada AFRICOM oo qirtay in Weerarkii Alshabab ee Manda Bay looga burburiyey 6 Diyaaradood

    Taliyaha Ciidamada AFRICOM oo qirtay in Weerarkii Alshabab ee Manda Bay looga burburiyey 6 Diyaaradood

    January 30, 2020Updated:January 31, 20203 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Gen. Stephen Townsend
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, oo guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka ay maanta su’aalo ka weydiiyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay, ayaa qiray in ciidamada Mareykanka aysan weerarkaas ugu diyaar garoobin sidii loo baahnaa.

    General Stephen Townsend, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood u yeesheen inay soo jebiyaan xeendaabka saldhigga Manda Bay, islamarkaana ay gudaha usoo galaan. “Dad badan ma oga, balse saldhigga ay ciidamadeena ku nool yihiin ma ahan saldhigga la weeraray. Hase yeeshee waxay awood u yeeshaan inay soo galaan saldhigga, oo ay dilaan saddex qof oo Mareykan ah, islamarkaana ay burburiyaan lix diyaaradood. Sidaas darteed uma aynan diyaarsaneyn sidii loo baahnaa,” ayuu yiri.

    Gen. Townsend ayaa sheegay inay weli baarayaan sababta ay ku dhacday in ciidamada aysan sameyn diyaar garowgii iyo feejignaantii loogaa bahnaa. Waxa uu intaas ku daray in kadib weerarka ay halkaas geeyeen 120 askari, oo hadda xaqiijinaya amniga, islamarkaana saladhigga u yeelaya daafaca ku habboon.

    Jeneral Townsend ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weerarkaas uu AFRICOM ku qasbay inay dib uu eegaan guud ahaan saldhigyadooda qaaradda Africa, sababtoo ah buu yiri, waxay rumeysnaayeen in saldhigga Manda Bay uu ahaa saldhig amnigiisu sugan yahay.

    “Al-Shabaab waxa ay na tuseen halka ay garaaan iyo halista ay soo rogi karaan. Waxaan u baahannahay inaan taas u qaaddano si dhab ah. Sidaas darteed waxaan hadda indha furan ku eegayaa goob kasta oo qaaradda Afrika ku taalla,” ayuu yiri.

    Taliya Twonsend ayaa dhinaca kale ka hadlay taageerada AFRICOM ay siiso dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay ka kooban tahay laba qeyb.

    “Labada shaqo ee weyn ee aynu hayno ayaa ah inaan gacan ka geysano tababarka laba qeyb oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, oo ciidamada lugta ee fudud ee gaarka ah. Waxaan sidoo kale fulinaa weerar ka hortag argagixiso ah. Waxaa looga gol leeyahay inay gacan ka gaystaan dadaallada caalamiga ah iyo dadaallada Soomaalida, balse waxaa sidoo kale laga damacsan yahay inay ilaaliyaan America,” ayuu yiri.

    Townsed ayaa sidoo kale sheegay in waxa ugu weyn oo ay hayaan ay tahay in ay isha ku hayaan Al-Shabaab maalin kasta, islamarkaana ay yareeyaan awooddooda.

    “Waxa aan sameyno ayaa ah inaan Al-Shabaab isha ku hayno maalin kasta, waxa aan dooneyno ayaa ah inaan yareyno awooddooda meel kasta oo aan ku awoodno. Dadaalka ah in la kala dhantaalo Al-Shabaab oo la wiiqo awoodda Al-Shabaab iyo hoggaankooda, hoggaankooda dhexe iyo hoggaankooda sare ayaa qeyb ka ah waxa aan sameyno.”

    Alshabab attack Keyna Manda Bay Stephen Townsend US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/llaahi Faarax Weheliye: Wasiiru Dowlihii Qamaarka Siyaasadeed la dhigtay Ahlu suna..! [KASHIFAAD]
    Next Article Safaaradda Somalia ee Turkiga oo shaacisay inaysan wax talo ah ku lahayn dhaawacyada la geeyo Turkiga (Jawaabtii Safiirka)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo