Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee AFRICOM Thomas Waldhauser oo soo gaaray ayaa magaalada Muqdisho ayaa kulan gaara kula yeeshay xarunta Xalane Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Kulanka oo ahaa mid u gaara labada mas’uul ayaa qaatay muddo saacad ka badan, waxaana markii uu soo idlaaday kadib la sheegay in looga hadlay Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya iyo sidii ay u taageeri lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Booqashada Gen. Thomas Waldhauser oo dhowr jeer Muqdisho yimid, ayaa xarunta xalane iyo Garoonka diyaradaha Muqdisho kula kulma madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna kulankii shalay ahaa mid gaara oo madaxweyne Farmaajo ku soo beegay xilli uu dalka ku soo laabtay.