Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa isbedello waaweyn ku sameeyay Saraakiisha Talisyada Qeybaha Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobolada Dalka Soomaaliya.
Taliyaha ayaa magacaabay Xilka Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka u magacabay S/guuto Tawane Axmed Maxamed. Waxaa isna G/sare Cabdisalaan Aadan Axmed loo magacabay Abaandullaha Qeybta 12-ka April.
Wareegtada 00 26-kii bishan kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa Xilalkii looga qaaday Taliyeyaasha qeybaha 27-aad, 60-aad, 21-aad iyo 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo taliyeyaal cusub loo maagcaabay.
Hoos ka Akhriso Wareegtada



![Taliyaha Ciidamada Milateriga oo Magacaabis iyo Bedel ku sameeyay 14 Taliyeyaal & Saraakiil (Akhriso Magacyda]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2015/09/Indha-qarshe.jpg)