Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku dhiiraday inuu ka qeyb galo ololaha Doorashada Soomaaliya.
Taliye Odowaa ayaa kasoo muuqday Xaflad olole loogu sameynayey, laguna taageerayey Taliyihii Milateriga ee xilka uga horeeyay Jeneral Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), wuxuuna hadal taageero ah ka jeediyey xafladda ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Isagoo ka hadlayey munaasabadda shaacinta musharaxnimada xildhibaannimo ee Jeneraal Indha-Qarshe ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qeybgalka munaasabadda, inkastoo aanu jecleyn xafladaha.
“Ma jecli inaan xafladaha ka qeyb galo, laakiin waad dareemi kartaan, waana iska caddahay sababta aan halkan u imid.. Xaflada Taliyaheygii hore in aan ka qeyb galo xusuus gaar ayey ii leedahay, waxaa lais weydiidanayaa sababta ciidamada dhinacada siyaasada kusoo badanaya waxaan aragnay in aan wax qaban karno” ayuu yiri Jeneraal Odowaa oo ka hadlay xafladii taageerada musharaxa, kana jawabay sababta keenay inuu olole doorasho ka qeyb galo xilligan.
Arrintan ayaa kasoo horjeeda nidaamka Doorashada iyo Sharciga dowladda oo ciidamada ka reebaya inay qeyb ka noqdaanz ololaha Doorashada, laakiin xaaladda dalku ku jiro ee kala guurka ah ayaa dhalisay inay arrimahan oo kale dhacaan.
