Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay booqasho ku jooga dalka Turkiga.
Socdaalka Taliye Jimcaale ayaa lagu sheegay mid rasmi ah oo dhiggiisa Turkiga Khlous Akar ay ka wadahadlayaan xiriirka labada dal oo ay ka mid tahay furitaanka saldhigga milateriga Turkiga ee Muqdisho iyo fulinta heshiisyada labada dal.
Taliyaha milateriga Soomaaliya ayaa soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyay xarunta taliska ciidamada ee magaalada Ankara, halkaasoo lagu siiyay salaan sharaf lana garaacay miyuusiga astaanta Soomaaliya.
Wadani