Taliyaha milateriga Soomaaliya Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa sheegay inaysan waxba ka ogeyn eedeynta musuqmaasuqa ee Mareykanku ku eedeeyay mlateriga Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sheegay inay isaga ka horeysan arrintan, isla markaana aanu waxba kala socon, iyaguna la weydiinayo, wuxuuna caddeeyay in dhaqaale ahaan ay dowladda Soomaaliya isku tashaneyso, wax saamayn ahna aysan ku yeelan doonin.
Jeneraal Gorod oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in Soomaaliya ay isku tashaeyso sidii ciidamada la qorayo dhaqaale loogu heli lahaa. Wuxuuna hadalkan imaanaya iyadoo war ay soo saarty dowladda Federaalka lagu sheegay inay Mareykanka kala shaqeynayaan hubinta iyo xal u helidda arrintan.
Mareykanka ayaa joojiyay kaalmadii uu siin jiray Milateriga Soomaaliya ee sahayda iyo gunada kadib markii uu ku eedeeyay in la musuqmaasuqo kaalmadaasi oo aan la ogeyn meel ay martay.