Iyadoo dhowaan la magacaabay taliyaha ciidamada xoogga, kadib markii uu is casilay taliyihii hore ayaa waxa socda magaacidda taliyada ciidamada milateriga.
Madaxa howlgelinta ciidamada Xoogga dalka iyo taliyaha qeybta 12-ka April ayaa loo magacaabay Maxamuud Macalin Koronto oo sidoo kale loo dalacsiiyay Sareeye Guuto, waxaana jananka hoos yimaada Gobollada Shabeelada Hoose, Shabeellada Dhexe iyo Banaadir.
Madaxa howlgelinta iyo taliyaha cusub ayaa hore uga ciidamada xoogga dalka, waxayna arrintani qeyb ka tahay isbedelka ciidamada milateriga Soomaaliya oo wajahaya xaalad dagaal oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xilal kale ayaa lagu wadaa in la magacaabo, iyadoo isbedelku saameyn doono taliyeyaal dhowr ah oo uu wato taliyaha cusub ee xiidamada xoogga. Dhinaca kale weli la sugayaa magacaabidda Wasiirka gaashaandhigga oo dhowaan xilka iska casilay.
Wadani