Barnaamijka dabagalka ee VOA-da ayaa soo bandhigay Hub isugu jira Qoryo iyo Bistoolado oo taliyaha Gobolka Banadir ee NISA uu kasoo iibiyey dalka Jabuuti, iyadoo laga dejiyey Garoonka magaalada Muqdisho 22-kii June 2018.
Hubkan ayaan lagu xareyn Bakhaarada ciidamada, isla markaana waxaa la wareegay Hay’adda NISA, iyadoo aysan la socon madaxda sare ee NISA iyo xukuumadda Soomaaliya, marka laga reebo Taliyaha NISA ee G/Banadir Saadaq John iyo madax gaara.
Warbixinta waxay soo bandhigay in hubkaasi laga soo iibiyey dalka Jabuuti isagoo ahaa suuq madow oo hore loo qabtay Badda Cas una socda Xuuthiyiinta dalka Yeman.
Muranka ka dhashay hub ay dawladda Soomaaliya 22-kii bishii June kasoo dejisay garoonka diyaaraha ee Muqdisho ayaa ka koobnaa qoryaha AK47 oo gaaraya 300 qori iyo bastoolado gaaraya 300, rasaas iyo qalab kale oo milatari.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda.
HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA