Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa maanta gelinkii dambe gaaray magaalada Baydhaba, iyadoo ay la socdaan saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA.
Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha NISA loogu diray Baydhaba arrinta musharaxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo dowladda Soomaaliya ay ka hor timid, waxaana la sheegay inay wadahadal la yeelan doonaan Mukhtaar Roobow, si ay ugu qanciyaan inuu ka tanaasulo musharxnimadiisa.
Musharaxa ayaa maanta ka qeyb galay xaflad lagu taageeray musharaxnimadiisa iyadoo laga cabsi qabo inuu ku gacan seyro arrinta dowladda Soomaaliya wadato, taasoo laga yaabo inay xaalad qalalaase ah dhaliso.
Wafdiga Taliyaha NISA Xuseen Uurkuus waxaa ka mida xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kasoo jeeddaa degaanada Koonfur Galbeed.