Taliye cusub ayaa loo magaacabay Booliska Qeybta Gobolka Banaaadir, kadib markii uu dhowaan is casilay xilkaasina ka tegay taliyihii hore Cali Xersi Barre (Cali Gaab).
Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Bishaar Abshir Geedi ee loo magacaabay taliyaha Qeybta Guud ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa hore u ahaa Taliyaha Hogaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa hoos yimaada talisyada qeybaha gobolka oo ay ka howlgalaan booliska ugu badan ee fadhigoodu yahay caasimadda Muqdisho.
Wadani.com