Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taliye cusub u magacaabaya Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, kadib markii dhowaan xilka laga qaaday taliyihii hore C/raxmaan Maxamed Tuuryare.
Taliyaha NISA waxaa hadda kumeelgaara madaxweyne Xasan Sheekh ugu magacaabay Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud. Waxaana agaasimaha cusub ee NISA loo magcaabay uu yahay nin qurbe joog ah oo lagu magacaabo Ismaaciil Cusmaan, waxaana wararku sheegayaan in waqti dhow lagu dhawaaqayo.
Agaasimaha cusub ee NISA ayay wararku sheegayaan inuu ka tirsan yahay saaxiibada madaxweynaha iyo kooxdiisa Damjadiid.
Xilligan kala guurka ah ayaa waxaa ka socda xafiisyada dowladda magacaabid xilal cusub iyo xil ka xayuubin madax hore iyadoo ay arrintan salka ku heyso doorashada 2016 oo madaxweynuhu doonayo inuu helo taageerada ugu badan ee beelaha iyo xildhibaanada cusub.
Wadani.com