Faaahfaahin dheeraad ayaa kasoo baxeysa Qarax Gaari oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa oo lala beegsaday Gaari uu lahaa Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cali Bare Xersi (Cali gaab) oo xilligaasi marayey inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Xarunta wakaalada Biyaha ayaa waxaa u dhintay askari ka mida ilaalada taliyaha, waxaana ku dhaawacmay saddex kale.
Cali Gaab oo qaraxaasi ka hadlay qaraxa lala beegsaday ayaa sheeay inuu qaraxa qabsaday Gaariga xilli aannu isagu la socon, kadib markii uu geeyay Xafiiskiisa, balse uu markaasi soo doonay sarkaal, wuxuuna caddeeyay inaan isagu waxba gaarin.
Sarkaalka Booliska ee Cali Gaab ayaa xaqiijiyey in Qaraxa Gaariga uu ku dhintay mid kamid ah ilaaladiisa oo lagu Magacaabi jiray Xamzo Xasan Axmed Mooge, halka ay ku dhaawacmeen saddex Askari oo kale.
Lama oga sida ay ku suuragashay in qarax lagu xiro Gaariga taliye Cali Gaab, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Taliska Booliska iyo Hay’adaha kale ee Amniga.
