Taliska Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka ee Hirshabeelle ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaashii ciidamada Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Hiiraan iyo magaalada Belwdweyne.
Arrintan ayaa sabab looga dhigay isbedel loo baahan yahay, sida uu wareegto ku soo saaray Taliyaha Ciidamada NISA ee Hirshabeelle C/llaahi Axmed Cabdi Weheliye oo soo baxday Jimcihii shalay xilli uu ku sugan yahay magaalada Beledweyne.