Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya Jen. Cabdullahi Gaafoow Maxamuud ayaa noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kadib doorasho aan lagu tartamin oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Ergo ka kooban 51 xubnood oo beeleed ayaa taageertay Xildhibaan Gaafow, kadib markii uu musharaxii la tartamayey ee Xiirey Muxiyaddiin Cumar uu sheegay inuu u tanaasulay Jen. Gaafow, balse waxaa loo sheegay inuusan tanaasuli karin oo uu codeynta ka qeyb gelayo, isagoo la shaaciyey inuu helay 7 cod, halka Jeneraal Gaafow la sheegay inuuhelay 43 cod.
Guddoomiyaha Guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa doorashada kadib waxaa ay sheegtay in waraaqaha doorashada ay heyn doonaan muddo Lix bilood ah dacwana laga furi karo, wixii ka dambeeyana aysan dacwo ka furneyn.