Talyihii Saldhigga Booliska degmada Waaberi Maxamed C/qaadir Mooshin oo ka mida saraakiisha qeybta ka ahayd howlgalkii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Waaberi C/xakiin C/raxmaan Ciise (Dhega-juun) ayaa markhaati fur ka sameeyay dhacdadii 21-ka Janaayo 2021.
Taliye Mooshin ayaa maxkamadda Ciidamada horteeda ka sheegay inuu Saqdii dhexe ee habeenkaasi xilli ku dhow soo wacay Taliyihii Howlwadaag Gaashaanla Shuceyb Cabdi Maxamud, kana codsaday inuu ka caawiyo mukhaaradd iyo tuugo la qabanayo oo uu xog ka helay Gaari Qaad sida oo kasoo baxayey deganka Gubadley.
Wuxuu intaasi ku daray markii uu tegay Saldigga H/wadaag uu ku sugnaa Taliyaha Qeybta Bashiir Cabdi Siyaad oo amarka howlgalka siiyey. Waxay markii hore ku sugnaayeen isgoyska Howlwadaag, balse Shuceyb soo jeediyey inay tagaan Isgoyska Aaden Cadde, markii ay jaam noqotay goobtii hore.
Taliyihii Waberi wuxuu kaloo sheegay markii ay tageen Isgoyska Aden cadde inuu isagu Gaarigiisa ku haray, isagoo dhigtay luuqa Iskuulka 21 Novembar oo waxyar u jira goobta falku ka dhacay, markaas kadibna uu maqlay bareek Gaari iyo rasaas badan oo dhacday.
Falka kadib wuxuu sheegay inuu goobta soo gaaray Taliyaha qeybta Bashiir Cabdi oo u sheegay in Gaariga la rasaaseeyay uu yahay kii guddoomiyaha Hodon dhaawacna uu jiro.

Fadhigii Maxkamadda ayaa maanta lasoo xiray, iyadoo dib loogu ballamay, waxaana xeer ilaalinta ciidamada ay dalbatay in fadhiyo kale la siiyo si ay u soo bandhigaan caddeymaha ay hayaan.