Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Tirada Aqalka sare oo la kordhiyay & Doorashadii oo sii daba dheeraatay [Akhri War-Murtiyeedka Madasha]

    Tirada Aqalka sare oo la kordhiyay & Doorashadii oo sii daba dheeraatay [Akhri War-Murtiyeedka Madasha]

    December 25, 20168 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkii Madasha Qaran ee magaalada Muqdisho ayaa xalay saqdii dhexe la soo gabageeyay iyadoo laga soo saaray qodobo cusub oo wax weyn ka bedelaya hanaankii Doorashada dalka.

    Warmurtiyeed

    Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)

    Muqdisho 15-24 Disembar 2016

    Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 15 – 24 Disembar 2016-ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Hirshabeele, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo iyagu si gooni ah loo casumay si aay warbixin u siiyaan MHQ.

    1. Ujeedada Kulanka.

    1.1 Kullankani wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdiso, taarikhdu markay ahayd 7dii-8dii Disember, 2016, ujeedadiisuna tahay go’aan ka gaarista iyo dhameystiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee golaha sharci dejinta qaranka ee 2016ka.

    1.2 Muddadii kulankan socday MHQ waxay la kulantay warbixinnona ka dhegeysatay hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Danjirayaasha iyo deeq bixiyeyaasha u fadhiya wadamooda Somalia ee uu hogaaminaayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, GFHDD oo uu hogaaminaayey guddomiyahooda, Mudane, Avv Cumar Maxamuud Cabdulle, Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo isna uu hoggaminaayey guddomiyaha guddiga, Mudane Abririzaq Barre Jamac.

    1.3 MHQ waxa ay sidoo kale waqti siisay xallinta saami qaybsiga aqalka sare ee Barlamanka Soomaliyeed.

    1.4 Muddadii uu kulanka socday MHQ waxa ay si qotto dheer uga hadashay wax ka qabadka abaaraha dalka soo food saarey.

    2. Dhageysiga warbixinnada guddiyada loo xil saaray fullinta dooroshooyinka dadban.

    2.1 Madasha waxay kulamo dhowr ah la yeelatay Guddiga Federalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ugana xog waramay heerka howlihiisa marayaan iyo natiijooyinka ka soo hoyday degaan doorashooyinka dalka oo dhan. Ka dib markii MHQ iyo GFHDD ay si qotto uga wada xaajoodeen arrimaha uu soo bandhigay guddiga islana meel dhigeen, madaxda madashu waxay ammaan iyo bogaadin u jeediyeen guddiga sida wacan uu u fuliyey xilkaan qarameed ee loo xil saaray iyadoo la ogsoon yahay in ay ku shaqaynaayeen daruufo aad u adag.

    2.2 MHQ waxay guddiga ka codsatay in kuraasta dooroshooyinkooda dhimman yahiin in aay degdeg u soo afjaraan.

    3. Dhageysiga warbaxinnada GXKHDD.

    3.1 MHQ waxay GXKHDD ka dhegeeysatay xog waran tifaftiran kuna saabsanaa 22 kursi ooy dacwadahooda aay dhageysteen dacwooyinkaas oo mid mid MHQ iyo Xubnaha Guddiga si qooto dheer isaga xog wareysteen isuna falanqeeyeen.

    3.2 Guddiga waxa ay madasha u sheegeen 11 ka mid ah kuraasta muranka ka taagnaa ay dib u falanqeeyeen xalna ka gaareen, oo hadda ay fasaxeen, 11ka kalena ay go’aamiyeen in doorasho dib loogu celiyo.

    3.3 MHQ iyo Guddiga waxay markaas ka dib wadajir uga baaraangdegeen nuxurka dacwooyinka 11 ka kursi guddigu dib u celiyey. Isu xogwaran ka dib Madashu:

    a. Waxaa u soo ifbaxay xowliga degdegga ah ay ku socoto hirgelinta doorashada in dhageysiga iyo ka gungaaridda dacwadaha guddigu u helin muddo ku filan oo waqti xadidan lagu dhameystirayo;

    b. Waxa soo ifbaxay in haddii Guddigu haysan lahaa xogta iyo macluumadka dheeriga ah ee lagu helay iswareysiga MHQ iyo guddigu is dhaafsadeen in go’aanka guddigu uu ka duwanaan lahaa midka ay hadda gaareen.

    c. Waxaa si cad u muuqatay in marxaladda go’aan ka gaarista guddigu la tixgelenin xaaladaha amniga, siyaasadda ku xeernaa kursi kasta iyo duruufaha degaan-doorasho walba u gaarka ahaa.

    d. Waxa iyana jirta in go’aanada iyo qaabka go’aan gaaridda guddiyada dooroshooyinka dadban ay ku kala duwan yihiin.

    3.4 Haddaba, Madashu:

    a. Ayaadoo tixgelisay macluumaadka dheeriga ah ee kor ku xusan haddii guddigu haysan lahaa u gaari lahaa go’aan ka duwan midka ay kursiga dib ugu celiyeen;

    b. Garwaaqsatay in ay danta ku jirto in la yareeyo khilaaf iyo is qabqabsi hor leh ka dhalan kara ku noqoshada naatijada doorashada;

    c. Tixgelisay daruufihii adkaa ee doorashada loo soo maray iyo in la dhowraariyo guuliha qaranka ka gaaray doorashooyinka 2016ka ee laga fuliyey dalka;

    d. Fiiro gaar ah u yeelatay dhibaatada guud ee ku iman karta, dib u dhac iyo xasilooni darro ku timaada habsami u socodka dhameystiridda doorashooyinka qaran.

    3.5 Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay

    a. In in kuraasta muranka gashay oo Guddiga Xallinta Khilaaftka Doorashooyinka hakiyey uu isla guddigan dib-u-eegis ku sameeyo ayadoo gundhig iyo qaddarin looga dhigayo macluumaadkii dheeriga ahaa ee kusoo ifbaxay xog-is-dhaafsigii iyo isu xog-warrankii dhexmaray xubnaha Madasha iyo xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka;

    b. In dhammaan musharrixiintii Guddiyada doorashooyinku ka hakiyeen xaqa siyaasadeed ee ka qaybgelidda doorashooyinka waa laga cafiyey hakinta xuquuqdooda siyaasadeed oo way ka qaybgeli karaan tartanka doorashooyinka;

    c. Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa laga codsanaya in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha doorashoyinka weli ka dhiman oo mid walba hor yaal.

    4. Dib-u-eegista Qoondaynta kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

    4.1 MHQ ayadoo tixgelineysa cabashada kasoo noqotay Maamullada Dawladaha Goboleed qaarkood iyo beelo aan horey aan uga mid noqono wax qaybsiga Aqalka Sare Madashu waxay guddoomisay in tirada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ahayd konton iyo affar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo sidaas tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare noqoto toddobaatan 72 kursi.

    4.2 Sideed iyo tabanka kursi la kordhiyey waxa si siman loogu kala daray Dawld-Goboleedyada waxaana loo qaybiyey sida soo socota:

    Magaca———Tirada kuraasta hore—-Tirade kuraasta la kordhiyey—Wadarta
    1. Somaliland——–11 kursi————–3 kursi—————————-14 kursi
    2. Puntland———-11 kursi—————3 kursi—————————-14 kursi
    3. Galmudug——–8 kursi—————-3 kursi—————————-11 kursi
    4. Hirshabeelle—–8 kursi—————-3 kursi—————————-11 kursi
    5. K/Galbeed——-8 kursi—————-3 kursi —————————-11 kursi
    6. Jubbaland——-8 kursi—————-3 kursi—————————–11 kursi

    Wadart————–54——————–18————————————–72

    4.3 Sidded iyo tabanka Kursi ee la kordhiyey waxaa soo magacabaya Madaxweynayaasha Dawladaha Goboleedyada, waxaana Xeer Madaxweyne ku soo saaraya Madaxweynaha Jumhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha MHQ.

    4.4 Madaxda Madasha Qaranku waxay soo dhoweynaysaa baaqa siyaasiyiinta iyo waxgaradka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ee la xiriira in hay’adaha dawladda ee dhismaya 2016-2020 xil weyn iska saaraan oo mudnaanta koowaad la siiyo ka miro dhalinta wadahadalada u socda Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyo in laga wada xaajoodo saami qaybsiga awoodaha siyaasadeed.

    4.5 Saddaxda kursi ee loo kordhiyey Gobollada Woqooyiga Soomaaliya ee Somaliland waxaa soo magacaabaya R/Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo la tashaday Odayaasha Dhaqanka Beelaha Samaroon, Ciise iyo Fiqi-Shinni.

    4.6 Madaxweynayaash Dawladaha Goboleedyada iyo R/Wasaare ku-Xigeenkuba waa in ay xubnaha ay soo magacaabeen usoo gudbinaya Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu dambayn 28 Diseembar 2016.

    4.7 Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban iyo Guddiga Fulinta Doorashooada Xubnaha Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyiga Soomaaliya ee Somaaliland waxaa la faraya in ay si degdeg ah u dhammaystiraan ugu dambaym 30-ka Diseembar 2016.

    5. Xilhaynta Guddiyada Doorashooyinka Dadban

    5.1 Guddiyada Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Heer Dawlado Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo mudda xilhayntooda ku ekeyd 31.12.2016 waxaa xilhayntooda loo kordhiyey ilaa iyo inta ay kasoo gebageboobeyso kuraasta ka dhiman doorashoyinka Dadban ee Golaha Shacbiga iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

    6. Xaaladda Abaaraha Dalka soo foodsaaray

    6,1 MHQ waxay si qottadheer u darseen xaaladda abaaraha dalka soo foodsaaray oo durba dadka iyo duunyada saamaysay, loona baahan yahay in si degdeg ah loo abaabulo gurmad iyo ka hortagga abaaraha.

    6.2 Deseembar 18, 2016 MHQ waxay hay’adaha dawladda ku hawl leh ka hortagga aafooyinka dabiiciga ka dhegeysatay warbixin ku saabsan xaaladaha iyo ilaa heerka ay abaartu dalka saamaysay. MHQ waxay haddiiba:

    (a) Magacaaday oo dhistay Guddiga Farsamo oo loo xilsaaray Gurmadka iyo ka hortagga abaaraha oo si degdeg ah u hawlgala, xubnihiisuna ka koban: Xafiiska Madaxweynaha, Xafiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalaynta, Xafiiska ka hortagga iyo Maareynta Masiibooyinka iyo xubno ka socda dhammaan maamul goboleedyada Dawladaha Goboleed ee xubnaha ka ah Federalka Somaliya.

    (b) In Dowladda Federalka Somaliya iyo xubnaheeda dowlad goboleedyada ay hormuud ka noqdaan isku tashi ummadeed iyo in la abaabulo qaybaha kala duwan ee bulshada iyo qurba joogta Soomaaliyeed, si ay ugu gurmadaan walaalahooga abaartu saamaysay.

    (c) Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha goboleed ee Xubin ka ah Federaalka Soomaaliya waxay wadajir 21-kii Deseembar 2016 baaq gurmad degdeg ah ugu jeediyeen dhammaan Danjirayaasha dalalkooda ku mattala Soomaaliya, dalalka aan walaalaha nahay, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Samafalka Caalamiga ahba laga codsaday inay in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan gobollada dalka abaaruhu saameeyeen lasoo gaaraan kaalin muuqatana ka geystaan.

    7. Munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka

    7.1 MHQ waxay go’aamisay in munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka la qabto maalinta talaadada 27 Diseembar 2016, taas oo ka dhici doonto Akademiyada Booliska Soomaaliyeed (Scuola Polizia).

    1. Mahadcelin.

    8.1 MHQ waxay mahadnaq u jeedineysa dhammaan Maamullada Dawladaha Goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya sida habsamida xilkasnimada leh ay Magaalo Madaxyadooda uga suurtogeliyeen una fuliyey qabashada doorashooyinka dadban ee 2016 si naba iyo xasilloni ku dheexan.

    8,2 Waxay kaloo si gaar ah ugu mahad iyo bogaadin u jeedinayaan dhammaan xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiyada Doorashooyinka Heer Dawalad Goboleed sida wacan ay xilkooda qarameed u fuliyeen, hawlaha doorashooyinkana u maamuleed si mihnadyahannimo ku dheehan.

    8.3 MHQ waxay gallad iyo qaddarin iyo mahadcelin gaar ah u jeedineysa dhammaan Ciidammada Qalabka-Sida sida hufan oo waddanimada ku dheehan ay amniga doorashooyinka qaranka u sugeen ayagoo weliba duruufo adag ku shaqaynayey. Waxay sidoo kale Madashu mahad iyo bogaadin u jeedineysa dadweynaha Soomaliya guud ahaan iyo odayaal dhaqameedka bulshada Soomaaliyeed iyo ergooyinka doorashooyinka dadban oo ka wakiilka ahaa dadweynaha soomaaliyeed.

    8.4 Gunaanadkii, Madasho waxay Beesha Caalamka, oo uu hoggaaminaayey Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay M.ne Michael Keating, ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah iyo talooyinka siyaasadeed iyo farsamo oo ay had iyo jeer la garabtaagan yihiin Dawladda Soomaaliya.

    DHAMMAAD

    Aqalka sare Doorashada 2016 Madasha Top Top Al-Shabaab commander Warmurtiyeedka Madasha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Khilaafaadka Doorashada oo difaacay 11-ka Kursi ee uu laalay [AKhriso War-saxaafadeeed]
    Next Article DEGDEG: Diyaarad ay leedahay dowladda Ruushka oo la waayay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo