Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho oo degdeg ah ku xukuntay gacan ku dhiiglihii ku eedeysnaa dilka Taliyiha Ciidanka nabadsugidda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha Maxkamadda ciidamada ayaa shalay tegay Magaalada Jowhar ayaa isla maanta galay dacwadiisa bilaabay dhageysiga dacwadda afar askari oo loo haysto dilka Taliyaha NISA ee gobolka Sh/dhexe.
Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Yuusuf Xuseen (Yuusuf Madoobe) oo lagu caddeeyay inuu dilay taliyaha, isagoo qirtay inuu u toogtay taliyihii ciidamada nabadsuggida marxuum C/weli Ibraahim.
Saddexda eedeysane ee kale ayaa laba ka mida lagu xukumay min 2 sano iyo lix bilood oo xabsi ciidan ah, halka midka kalena maxkamada ay sii deysay markii dambi lagu waayay.
DAAWO SAWIRRO