Maxkamadda degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo ayaa Saaka xukun dil ah ku fulisay eedeysane kufsi kula kacay Gabar 18 sano jir ahayd oo hore dil loogu xukumay.
Ninka la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud, waxayna da’diisa ahayd 32 sano jir, iyadoo dhowaan lagu xukumay dil toogasho ah, wuxuuna qirtay inuu kufsaday, kadibna ceeji ku dilay marxuumad Xaliima Cali Saalax, falkan oo ka dhacay tuulada Yucubley oo 15 KM u jirta magaalada Garbaharey 28 Janaayo 2019.
Guddoomiyaha Maxkamada degmada Garbahaareey ayaa horay u sheegay in ninkaasi falka kufsiga ah uu qirtay, iyadoonna Maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay.