“Waxaan ugu bishaarayn doona madaxda iga danbeysa 2020 in ay guran doonaan miraha dadaalka aan sameynayno maanta, wada hadalada lagu doonayo midnimada soomaaliyeed waxay marayaan heer yadadiilo badan waxaan u baahanahay in hore loo sii wado , waxaan dadaaladaasi ka qaybgelin doona cidkasta si natiijo looga gaari laha wada hadaladaasi , waxaan adeegsan doona suugaanta , dhaqanka iyo diinta si loo soo celiyo midnimada soomaaliyeed.
Dib udhiska dalkeena waxaa uu u baahanahay kaalmo caalami ah , waxaan ku dhex noolnahay gobol ay ku badanyihiin xasaradaha , soomaaliya ay tusaale u ahayd , maanta waxaa jira xasarado badan oo jira soomaaliyana waxaan ka shaqeynay in aysan ku dhex milmin, waxaan adeegsanay siyaasad degan anagoo ka fekerayna dalka , dadka iyo diinteena, anagoo marna aan ka tanaasuleyn qaranimadeena wada jirkeenda badeena iyo dalkeena .
Waxaan u mada u balan qaadaya , dhismaha siyaasad qaran , oo ay sal u noqdaan axsaab siyaasdeed oo aan ku dhisneen qabiil , goboleesi iyo qabiil midna , waxaa soo noq noqotay hanta gaar ah iyo musuq maasuqa , waxaan umada ucadeynaay in aysan jirin wax hanta gaar ah oo aan aniga sameystay intii aan xilka hayey , waxaan ballan qaadaya qorshe lagula dirarayo musqu maasuqa ,, waxaan sameyn doona guddi qaran musuq maasuqa la dirira .