Munaaabad lagu maamuusayo 26-ka June oo ah markii ay xoriyadda qaateen Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, isla markaana Calan Soomaaliyeed laga aagay dhul xor ah ayaa caawa ka socota magaalada Muqdisho.
Xarunta Dowladda hoose ee G/Banadir ayaa lagu qabanayaa xafladda oo lagu wado inay ka qeyb galaan madax uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana maamulka G/Banadir uu shacabka magaalada Muqdisho ku wargeliyey in saqda dhexe caawa la ridi doono buller, sidaas darteedna aan loo qaadan wax kale ama qaraxyo.
Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan shacabka ku nool Caasimadda in caawa saacaddu markay tahay 12:00-AM xiliga Muqdisho munaasabadda Calan saarka Xornimada awgeed la ridi doono Bonfires maadaama uu dhawaqiisu culus yahay waan in aan loo qaadan dhib.