Waxaa magaalada Muqdisho ka socda munaasabadda xuska sanadguurada 74-aad ee asaaska ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka dhaceysa barxadda Dugsiga sare ee Booliska Muqdisho.
Waxaa ka qeyb galaya madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, iyadoo uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.