Natiijooyinka Doorashada dalka Kenya ayaa si isdaba joog ah u soo baxeysa, iyadoo ay socoto tirinta codadka doorashada.
Waxaa weli ku horeeya tartanka madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee xilka haya, halka hoggaaminaya mucaaradka Ra’ila Odinga uu sheega in la jabsaday doorashada oo wax is daba marin ah ay dhacday.
Guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin nidaamka doorashada iyo qalabkooda, waxayse caddeeyeen inay baarayaan sheegashada Raila Odinga.