Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabanaya xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhaxeyso xiriir walaaltinimo iyo mid dhiig iyo dhaqan leh, dowladiisuna ay diyaar u tahay inay xiriirka gaarsiiso heer sareeya, wuxuuna ka mahad celiyey ciidamada Itoobiya ee ka mida AMISOM iyo qeybtii ay ka qaateend dagaalka argagixisada.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu ciid ku qaadanayo dalkiisa labaad, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay nabadda Geeska Afrika iyo inuu rumeysan yahay in Soomaali inay dhisan doonto dal xoog leh oo barwaaqo, maadaama ay tahay dal dhinac kasta isaga mida oo leh hal luuqad, Dhaqan iyo diin.