Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta socdaalkiisii ugu horeeyay ee rasmi ah uga bilowday dalka India, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay dalkaasi.
Trump oo ay la socdaan wafdi ballaaran ayaa waxaa garoonka magaalada Ahmedebad kusoo dhoweeyay Ra’iisal wasaaraha India Narendra Modi, waxaana uu tegay garoonka ugu weyn ee Criket-ka dunida oo dad ka badan 100 kun oo qof ay kusoo dhoweeyeen, waxaana wadooyinka tubnaa ilaa Hal milyan oo qof.
“Mareykanku wuxuu jecel yahay India.., America waxay ixtiraamtaa India.. America waxay tahay, weligeedna ahaan doontaa saaxiib daacad u ah..” ayuu yiri Madaxweyne Trump oo la hadlayey dadweyne isugu soo baxay garoonka Criket-ka ee magaalada Ahmedebad, dalka India.
Trump, xaaskiisa iyo wafdiga la socda ayaa booqday xarunta tariikhiga ah ee Taj mahal, waxaana markaas kadib uu ku dhawaaqay inuu saxiixi doono heshiis weyn oo looga iibinayo dalka India diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikobatarrada iyo qalab militari oo ku kacaya lacag dhan a saddex bilyan oo dollar.
Waxa uu sheegay in labada dal ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan la dagaalanka argagixisada. “Xuduudeheenu waa ay ka xirnaan doonaan kuwa argagixisada ah, iyo argagixisanimada, iyo dhamaan fikradaha xagjirnimo,” ayuu yiri Trump.









