Dowladda Turkiga ayaa Gaadiidka Gaashaaman ee casriga ah ugu deeqday ciidamada Soomaaliyeed ee lagu tababaray saldhiga SomTurk ee magaalada Muqdisho.
Gaadiidkan oo ah noocii uu danbeeyay ee Turkigu farsameeyo ayaa waxaa dekadda Muqdisho kula wareegay Sii-haya Wasiirka Gaashaandhiga Xasan Cali Maxamed (Amar-danbe) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage safiirka, iyagoo ka gudoomay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz.
Deeqdan milteri ayaa ah tii labaad ee Turkigu ugu deeqo ciidamada Soomaaliya iyadoo dhowaan uu Gaadiidka dagaalka oo gaaraya 12 soo gaarsiiyey ciidamada Kumaandooska ee Gorgor.