Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeeysay kashiftay lacagta deeqda ah ee ay bil bil waliba siiyaan dowladda Soomaaliya si loogu kabo miisaaniyadda.
Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya dowladda Turkiga ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay bil waliba ay siiso dowladda Soomaaliya lacag gaareysa 2-milyan doolar oo kaash ah, si ay mushaarka ciidanka iyo arrimaha kale ee xukuumadda ugu isticmaasho.
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar ayaa dhinaca kale faahfaahin ka bixiyay taageerada badan ee Turkigu u fidiyo Soomaaliya ee aan ku koobneyn arrimaha dhaqaalaha.
Ambassador Olgan Bekar ayaa beeniyay in Turkigu Saldhig milateri ku leeyahay Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay oo keliya in Magaalada Muqdisho ay ka furanaayaan xero loogu tala galay in lagu tababaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA
Wadani.com