Dowladda Turkiga ayaa shaacisay inay diyaar u tahay inay taageero farsamo iyo mid amni siiso Daalibaan oo dhowaan la wareegtay gacan ku heynta dalka Afghanistan.
Sida laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu waxay wadahadallo la leeyihiin dhammaan dhinacyada Afghanistan, oo ay ku jirto Daalibaan, waxayna soo dhoweysay fariimaha ay kooxda Daalibaan jeedisay markii ay la wareegtay xukunka dalka.
Cavusoglu ayaa hadlayey maalin kadib markii ilo-wareedyo amni oo Turkish ah ay sheegeen in Ankara ay meesha ka saartay qorshe ay dooneysay inay ku ilaaliso garoonka diyaaradaha Kabul kadib ka bixitaanka ciidamada NATO ee Afghanistan. Arintaas oo ay Daalibaan si weyn uga horjeeday.
Turkiga oo leh ciidamada ugu badan NATO, ayaa hadda ku yaboohay inuu diyaar u yahay inay kaalmo farsamo iyo mid amni siiso Taalibaan, haddii ay kasoo codsato. “Waxaan wada-hadal la leenahay dhammaan dhinacyada, oo ay ku jirto Taalibaan,” ayuu yiri Cavusoglu oo shir jar’aaid ku qabtay dalka Jordan.
“Waxaan si wanaagsan u aragnaa fariimaha ay illaa hadda bixiyeen Taalibaan, marka ay noqoto kuwa ay u direen ajaaniibta, diblomaasiyiinta iyo shacabkooda. Waxaana sidoo kale rajeyneynaa inaan sidoo kale aragno ficil,” ayuu yiri wasiirku.
Turkey, oo 600 oo askari ay ka joogaan Afghanistan, ayaa sidoo kale ammaanka garoonka iyo xaaladda kala guurka Afghanistan kala hadli doonta Mareykanka iyo dalal kale, sida uu sheegay Cavusoglu.
“Dhinacyada Afghanistan ayaga ayaa ka wada-xaajoon doona dhammaan arrimahan – yaa qeyb ka noqon doona ku-meel gaarka, dowlad noocee ah ayaa la dhisi doonaa, dhammana arrimahaas waan ka hadli doonnaa, balse dalka wuxuu hadda u baahan yahay inuu dego,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey.
Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay in wada-hadallada Taalibaan, oo billowday kahor inta aysan kooxda la wareegin guud ahaan dalka, ay weli socdaan, islamarkaana ciidamada Turkey ay sii joogi karaan Garoonka, haddii Taalibaan ay codsadaan.
“Ma garaneyno haddii Taalibaan ay haystaan shaqaale ku filan oo maamula garoonka. Waxaa laga yaabaa inay taageero farsamo na weydiistaan. Joogitaanka ayaa kusii jiri karaa naqshadaas” ayuu yiri sarkaalka Turkiga.
Taalibaan ayaa horey uga digtay Turkeey inay ciidamadeeda sii joogaan Kabul si ay u ilaaliyaan garoonka, hase yeeshee sarkaalka ayaa sheegay inaysan weydiisan in ciidamada Turkey ay ka tagaan Afghanistan, ayaga oo rajeynaya in xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan dalalka Muslimiinta ah ay ka caawin karto inay helaan aqoonsi caalami ah.
Turkey ayaa kulamo la leh “saraakiisha militari ee Taalibaan ayada oo u mareysa Pakistan, halka sidoo kale ay xiriir la leedahay garabka siyaasadeed ee koxoda ayada oo u mareysa Qatar,” sida uu sheegay sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin.
Hay’adda sirdoonka Turkey ayaa ku lug leh xiriiradan, sida uu sheegay sarkaalka, oo intaas ku daray, “Waa laga laabtay qorshihii la wareegista maamulka garoonka diyaaradaha Kabul marka ay baxaan ciidamada Mareykanka, balse weli ma jiro dalab ah inaan deg deg u baxno. Fariin noocaas ah kama aynan helin Taalibaan illaa hadda.”
