Madasha Qaran ee wadatashiga ayaa ansixisay in Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu ka mid noqdo Odayaasha rasmiga ah ee Beelaha Soomaaliyeed.
Ugaaska oo hore aan loogu soo darin odayaasha diiwaan gashan ee 135-ka oday ah shirkoodii Baydhaba, ayaa shirkii Mqudisho ee 6-12 September 2016 lagu ansixiyay in Ugaaska cusub lagu daro odayaasha rasmiga ah.
Arrintan ayaa ka dambeysay qeylo dhaan iyo dood weyn oo ka dhalatay go’aankii madasha ee shirkii Baydhaba, waxayna madashu ku dooday in Ugaas Xasan aanu markaasi si rasmi ah loo caleemo saarin.
Ugaaska Beesha Xawaalde Ugaas Xasan ayaa ah duub ka duwan duubabka kale ee Soomaalida, waana oday hal adag oo si weyn uga horjeeda dowladda Federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh.
HOOS KA AKHRI GO’AANKA MADASHA EE UGAAS XASAN
- Madashu waxay ansixisay in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble yahay duubka Beesha Xawaadle uga jira liiska asalka ah ee Odayaasha Dhaqanka ee 135 ta, maadaama ay beeshiisu si rasmi ah u caleema saartay, waxaana lagu beddelay Cumar Ugaas.
Wadani.com