Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhex galay xiisad ka dhex aloonsantay dalalka Uganda iyo Rwanda, isagoo socdaallo ku kala bixiyey caasimadaha Kigali iyo Kampala.
Uhuru Kenyatta ayaa booqday Isniintii dalalka Uganda iyo Rwanda, wuxuuna kulamo gaara oo aan la shaacin la yeeshay madaxda labada dal ee Rwanda Paul Kagame iyo Uganda Yoweri Museveni, wuxuuna socdalkaasi ku bilowday dalka Rwanda.
Labada dal ee Uganda iyo Rwanda ayaa xiriirkoodu xumaaday, kadib markii madaxweynaha Rwanda Paul Kagame uu ku eedeeyay dalka Uganda inuu taageero jabhad ku kacsan dalkiisa oo ka howlgasha gudaha dalka Uganda, waxaana markaas kadib la xiray xuduudka u dhaxeeya labada dal oo ka mida kuwa ugu mashquulka badan ee ganacsiga.
Uganda ayaa beenisay inay taageero siiso koox ku kacan dowladda Rwanda, laakiin madaxweynayaasha labada dal ayaa ereyo duur-xul ah is dhaafsaday, iyadoo xiriirkoodu gaaray heerkii ugu hooseeyay, taasoo keenay inuu ku baxo madaxweynaha Kenya.
Kenya oo dhaqaale ahaan saameyn ay ku yeelatay xiisadan ayaa dadaal ugu jirta inay xaaladda qaboojiso, waxaana dhinaca kale ay xiisad diblomaasiyadeed kala dhaxeysaa Soomaaliya.


