Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Jobs»UNSOM Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka bannaan: Kaaliyaha Sarkaalka Asluubta

    UNSOM Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka bannaan: Kaaliyaha Sarkaalka Asluubta

    July 1, 20188 Mins Read Jobs
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM)

    MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

    BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

    HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

    DIB-U-XAYEYSIIN

    TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH: 24 LUULYO 2018

    TAARIIKHDA SOO SAARISTA: 25 JUUN 2018

    MAGACA JEGADA: KAALIYAHA SARKAALKA ASLUUBTA

    HEERKA: NO-B

    QAYBTA: URURKA HAY’ADAHA KU DHAQANKA SHARCIGA IYO AMNIGA

    (CADDAALADDA & ASLUUBTA)

    GOOBTA:: KISMAYO, SOMALIA

    MUDDADA HESHIISKA: HAL (01) SANO OO GO’AN

    LAMBARKA OGEYSIISKA SHAQADA BANNAAN: UNSOM/ROLSIG/031/2018/ SM

    Warbixin Gaar ah

    Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, waxaana suuraggal ah in muddo kordhin lagu sameeyo. Booskan waa mid maxalli ah. Qofka shaqada raadsanayo ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doona si uu ula wareego shaqadan. Dhammaan codsadayaasha waxaa si weyn loogu boorrinaya in ay codsigooda ku gudbiyaan habka internet-ka (online) sida ugu dhaqsiyaha badan iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee xayeysiinta lagu xusay.

    Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda QM iyo Qandaraasleyda kale waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda QM si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

    Qaabeynta Hay’adda iyo Xiriirrka Warbixinta:

    Booskan waa boos ka bannaan Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) kana bannaan xarunta Kismaayo. Qofka booskan ku guuleysta waxaa uu si toos ah u hoos imaan doonaa Sarkaalka Asluubta (P4).

    Waajibaadyada iyo Mas’uuliyadaha:

    Kaaliyaha Sarkaalka Asluubta waxaa uu mas’uul ka noqon doona waajibaadyada soo socda:

    * In uu ka qayb-qaato diyaarinta iyo hirgelinta istaratiijiyadaha Hawlgalka ee la xiriira xoojinta iyo horumarinta dhammaan qaybaha kala duwan ee nidaamka asluubta, oo ay ka mid yihiin ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah ee khuseeya, diyaarinta siyaasadda iyo habraacyada, dayactirka xarumaha, iyo maareynta maxaabiista iyo shaqaalaha xabsiyada, iyaga oo la siinayo talo, tababar iyo hagid dhiggooda qaranka iyo abaabulka tababarka shaqada gudaheed;

    * In uu gacan ka geysto qiimeynta baahiyada dhinaca tababarka ee shaqaalaha xabsiyada iyo diyaarinta barnaamijyo tababar ah;

    * In uu qiimeyn ku sameeyo baahiyada dhinaca tababarka uuna ka qayb-qaato diyaarinta xeeladaha tababarka iyo horumarinta iyo qorshaha hirgelinta ee Hawlgalka;

    * In uu gacan ka geysto horumarinta awoodda qaran ku aaddan naqshadeynta, diyaarinta, fidinta, qiimeynta iyo diiwaangelinta barnaamijyada tababarka, oo ay ka mid yihiin bixinta talo ku aaddan tababarka iyo horumarinta iyo hagid.

    * In uu sameeyo uuna joogteeyo xiriirka mas’uuliyiinta dowladda qaran iyo wakiillada bulshada rayidka (oo ay ka mid yihiin dhiggooda ku jira adeegga Asluubta/Xabsiga, Wasaaradda Caddaalada iyo/ama wasaaradaha kale ay khuseyso, booliska, nidaamka maxkamadda, ururrada haweenka, hay’adaha aan dowliga ahayn, hawlgallada diblumaasiyinta iyo deeq-bixiyeyaasha).

    * In uu gacan ka geysto abuurista iyo diyaarinta mashruucyo la xiriira xabsiyada oo loo gudbinayo deeq-bixiyeyaasha, kuwaas oo la xiriira dib u habeynta nidaamka asluubta ee dalka, gaar ahaanna, kobcinta xirfadaha dadka ku lug leh asluubta;

    * In uu ka qayb-qaato hirgelinta mashruucyada ay hormuud ka yihiin Waaxda Asluubta/Ku Dhaqanka Sharciga;

    * In uu dowr ka qaato waxqabadka sida warbixinnada waaxda iyo qiimeynta, uuna ka qayb-qaato diyaarinta iyo hirgelinta hannaanka qorshaynta shaqada waaxda;

    * In uu ka qayb-qaato nidaamyada isku duwidda ee heer hay’ad, uuna xiriir dhow la yeesho qaybaha kala duwan ee hay’adda (xuquuqda aadanaha, booliska, caddaaladda, jinsiga iwm.) iyo hay’adaha QM, isla markana uu wakiil uga noqdo hay’adda marki loo baahdo;

    * In uu gacan ka geysto in laga shaqeeyo dhammeystirka barnaamijyada iyo hawlaha maamul ee muhiimka u ah shaqada Waaxda, oo ay ka mid yihiin diyaarinta miisaaniyadda, ka warbixinta waxqabadka iyo natiijooyinka, iyo imtixaan ka qaadista dadka loo soo xulay in ay u shaqeeyaan dowladda;

    * In uu qabto waajibaadyada kale marka loo baahdo;

    Kartida:

    Xilkasnimada: In uu faham qoto dheer u leeyahay waaxda gaarka ah, in uu khibrad weyn u leeyahay dhammaan dhinacyada kala duwan ee shaqada, in uu leeyahay xirfad wax ku ool ah ee dhinaca falanqeynta, isla markana uu leeyahay xikmad; In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka.

    Qorsheynta iyo Qaabeynta: In uu diyaariyo hiigsi cad kuwaas oo waafaqsan xeeladaha la isku afgartay; in uu garto howlaha iyo shaqooyinka mudnaanta la siinayo; in uu wax ka beddelo howlaha mudnaanta la siiyay sida loo baahdo; in uu wakhti iyo agab ku habboon ku bixiyo dhammeystirka shaqada; in uu saadaalin karo halista uuna u diyaargaroobo xaaladaha degdegga ah markii uu sameynayo qorshaha; In uu la socdo uuna wax ka beddelo qorshaha iyo tallaabooyinka sida loo baahan yahay; in uu wakhtiga u adeegsado si hufan. In uu muujiyo karti ah in uu dejin karo waxyaabaha mudnaanta leh uuna qorsheeyo, isku duwo isla markana uu la socdo qorshihiisa shaqo iyo kuwa dadka uu ka sarreeyo.

    Xiriirka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax u fasirto farriimaha dadka kale uuna si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka. In uu xirfad waafi ah u hufan u leeyahay dhinaca xiriirka (hadal iyo qoraalba) oo ay ka mid yihiin awoodda uu u leeyahay in uu diyaariyo warbixinnada uuna sameeyo bandhig isaga oo si cad u bandhigayo mowqifkiisa ku aaddan arrimaha, in uu caddeeyo wadiiqooyin kale, in uu si kooban u gudbiyo macluumaadka ugu badan ee loo baahan yahay, uuna soo jeediyo uuna difaaco talooyinka;

    Aqoonta

    Waxbarashada: Shahaado Sare ee Jaamacadeed (Master-ka iyo wixii u dhigma) ee sharciga, caddaaladda dembiileyaasha, sayniska bulshada ama fanka maamulka ama shahaaddada jaamacadda ee

    heerka koowaad oo ay wehliso aqoon tacliineed iyo/ama khibrad dhinaca kaaliyaha ku dhaqanka sharciga/asluubta, ayaa habboon.

    Khibrad: Ugu yaraan labo (2) sano oo uu qofku waayo-aragnimo wax ku ool ah ka helay nidaamka asluubta ayaa loo baahan yahay, oo ay ku jirto khibrad dhinaca siyaasadda iyo qorsheynta ama tababarka. Ugu yaraan hal (1) sano oo xirfad shaqo ah oo uu qofku taageerro farsamo ee loogu talagalay xoojinta nidaamyada asluubta ka fidinaayay goob ku jirto xaalad kala guur ah, ama horumar hadda sameynaysa, ama ka baxeysa colaad, waa mid habboon.

    Luuqadda: Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qarammada Midoobay. Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasIIx ku ah luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga (hadal iyo qoraalba). Aqoonta luuqadda kale waa mid muhiim ah.

    Habka

    Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma booskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi la xiriira kartida.

    Macluumaad Dheeraad ah:

    Dadka codsiga soo gudbiyay oo aan la soo qaadan balse xilliga uu socday imtixaanka ku soo baxay in ay u qalmaan shaqo la mid ah waxaa lagu hayn karaa diiwaanka muddo toddoba sano. Dadka diiwaanka la geliyay tixgelin ayaa la siin doonaa markii ay mustaqbalka soo baxaan isla shaqadan iyo heerkan shaqo.

    Sida loo gudbiyo codsiga:

    Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo ama ka hor taariikhda kama dambeysta ah. P11 waxaa aad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee ah 24 Luulyo 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono.

    Email: [email protected]

    Fadlan Lambarka Ogeysiiska Shaqada Bannaan iyo Jegada Shaqada ka dhig mowduuca email-ka.

    Fadlan ku lifaaq nuqulka P11, Shahaaddada Jaamacadda, Baasaboor ama Teesaraha Aqoonsiga. Fadlan ogow in Shahaadooyinka Waaxda Dembi Baarista (CID-da) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (NISA) loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

    Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

    QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKA SHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleUNSOM Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka bannaan: Kaaliyaha Luuqadda ee Goobta
    Next Article SAWIRRO: Xulkii Spain oo si lama filaana looga reebay Koobka Adduunka iyo Russia oo gaartay wareega 8-da

    Related Posts

    Dowladda Turkiga oo dhexdhexaadineysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya (Maxaa is-bedelay..?)

    June 30, 2024

    Midowga Musharixiinta oo shaki geliyey dhexdhexaadnimada Rooble, Dalab culusna u diray (Akhriso)

    May 16, 2021

    UNSOS launches Job for: ASSOCIATE LIAISON

    October 24, 2018

    UNSOM launches Job for: Associate Disarmament, Demobilization and Reintegration Officer

    October 16, 2018

    UNSOM launches Job for: RATIONS ASSISTANT

    October 15, 2018

    UNSOM Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan: MAS’UULKA XUQUUQDA AADANAHA

    September 7, 2018

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo