Maanta oo ay taariikh du tahay 19ka bisha maarso, waxaa kulan isugu yimid Xubno ka kala socda qaybaha Bulshada Rayidka ah, kulankan waxaa looga hadlay arimaha taagan ee khilaafka Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo Xukuumada.
Bulshada Rayidka waxay walaac ka muujinayaan Khilaafka ka jira Hayada Dastuuriga ah taas oo keenaysa in dib dhac ku yimaado dhismaha Dowladnimaddii Soomaaliyeed iyo horumarka dalku tilaabsan lahaa.,
Aragtida Bulshada Rayidka
- Bulshada rayidka waxay soo jeedinaysaa in la ilaaliyo in lagu dhaqmo shuruucda dalka lana waafajiyo wax kasta oo la isku hayo, Dastuurka iyo Xeer hoosaadka.
- Bulshada Rayidka waxay taageer aysaa dadaalka ay wadaan Gudiga Golaha aqalka Sare, waxayna diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan Xalinta Xiisada Siyaasadeed.
- Bulshada Rayidka waxay soo jeedinaysaa in lagu soo celiyo Golaha Shacabka jawigii ka horeeyay khilaafka.
- Bulshada Rayidka waxay soo dhawaynaysaa aqbalaadii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka aqbalay in cod loo qaado mooshinka
- Bulshada Rayidka waxay diyaar u tahay ka qayb qaadanaysaa hubinta iyo korjoogtaynta habka ay u dhacayso Codbixinta.
- Bulshada Rayidka ah waxay soo dhawaynaysaa dhamaan hayadihii iyo kooxihii ka qayb qaatay in la qaboojiyo xiisada
- Waxaan ugu baaqnaynaa dadka soomaaliyeed in ay ilaalshadaan midnimadooda , xasiloonidooda iyo wadajirkoodaba.
Gunaanad
Dalladda SOSCENSA waxay u mahad celinaysaa dhamaan xubnihii ka qayb qaatay kulanka looga hadlay arimaha taagan, waxayna u rajaynaysaa Bulshada Soomaaliyeed Nabad iyo Barwaaqo.