Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Ururka Qareennada oo shaaciyey inaysan ka tirsaneyn xubno loo magacaabay Golaha Garsoorka

    Ururka Qareennada oo shaaciyey inaysan ka tirsaneyn xubno loo magacaabay Golaha Garsoorka

    August 1, 2020Updated:August 1, 20202 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa ka horyimid magacaabista xubno ka tirsan Golaha Adeegga Garsoorka oo Golaha Wasiirada xilka sii haya ay ku dhawaaqeeen magacyadooda.

    War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa lagu caddeeyay inay sharci darro tahay qaabka loo magacaabay xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka, isla markaana 5-ta xubnood ee la magaacaabay aysan ka tirsanayn Qareennada Soomaaliyeed.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN HABRAACA MAGACAABIDDA XUBNAHA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA

    Golaha Adeegga Garsoorka wuxuu udub-dhaxaad iyo bud-dhig u yahay hay’adda Garsoor Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
    Wuxuu ahmiyad gaar ah u leeyahay madaxbannaanida, tayada, hufnaanta iyo xaqsoorka Garsoorka Dalka.

    Shirkii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda xil-gaarsiinta ee ku taariikhaysnaa 30-kii Bisha Luuliyo 2020 ayaa lagu ansixiya Shan xubnood oo la sheegay in ay ka mid noqonayaan xubnaha ku imaanaya magacaabidda ee Golaha Adeegga Garsoorka.

    Sida uu dhigayo Qod.109A, Faqraddiisa 2aad, Xarafka “D” ee Dastuurka KMG: Labo Xubnood oo ka mid ah Shanta xubnood ee ku imaanaya magacaabista waxaa soo magacaabaya Ururka Qareennada Soomaaliyeed, waxayna xilka haynayaan muddo Afar Sano ah.
    Sidoo kale Xarafka “E”, Faqradda laad, Qod.6aad ee Sharci L.28 soona baxay 8-dii Luuliyo 2014 (Sharciga dhisidda Galaha Adeegga Garsoorka) waxay jideynaysaa in Ururka Qareennada Soomaaliyeed soo magacaabayo Labo Qareen sare oo ka tirsan Ururka oo xilka haynaya muddo Afar Sano ah.

    Haddaba, Ururka Qareennada Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in shanta xubnood ee ay magacaabeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda xil-gaarsiinta aysan ka tirsanayn Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo Ururrada Qareennada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sidoo kale aysan ka mid ahayn qareennada ku qoran diiwaanka Qareennada ee (ALBO), sidaasi darteedna habraaca magacaabiddoodu uu noqonayo mid baal-marsan Dastuurka iyo Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.

    Ururka Qareennada Soomaaliyeed isagoo la tashanaya Ururrada Qareennada Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka wuxuu u gudbin doonaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka.

    Garyaqaannada Soomaaliyeed Golaha Adeegga Garsoorka Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMuqdisho: Wasiiro & Xildhibaano Saf u galay soo dhoweynta C/casiis Lafta-gareen (Sawirro)
    Next Article Mahdi Guuleed oo xilkii ka qaaday Xoghaye uu 5 Berri ka hor xil u magacaabay (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo