Warbaahinta dalka Britian iyo Wakaaladaha Wararka ayaa sheegay, in Cali Xarbi Cali oo ah ninka loo heysto inuu Jimcihi magaalada Essex ku dilay David Amess oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Britain uu dhalay la-taliyihii ra’isul wasaarahi hore ee Soomaaliya.
Waxay sheegeen in wiilka dilka looga shakisan yahay, uu dhalay Harbi Ali Kullane, oo horay u soo noqday la taliyaha dhinaca warbaahinta ee ra’isul wasaarihi hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.
Warbaahinta Britain iyo ilo wareedyo u dhaw hey’adaha amniga UK ee kiiskaan baaraya ayaa sheegay, in Cali Xarbi Cali ay xireen booliska Britain kuwaasoo xarigiisa u adeegsaday xeerarka la-dagaalanka argagixisada.
Cali ayaa ah qofka kaliya ee u xiran dilka xildhibaan Amess oo 69 jir ahaa, kaasoo Jimcihii lagu dilay tooreeyay xilli uu bariga magaalada London kula hadlayay dadka isaga soo doortay, wuxuuna ku dhuftay Mindi in ka badan 10 jeer.
Harbi Ali Kullane, ayaa u xaqiijiyay wargeyska Sunday Times ee dalka Ingiriiska, in wiilkiisa Cali Xarbi loo xiray arrimo la xiriira dil, ayna aad uga naxeen falkaasi, oo xitaa aanay marna ku riyoon inuu arrintaas iyo wax la mida sameyn karo.
Mid ka mid ah saaxiibada Xarbi ayaa u sheegay Dily Mail in uu mar dhow ugu laabtay UK arrimo caafimaad awgiis, iyadoo uu jiro xanuun dhinaca wadnaha ah. “Ma aadi karo meel aad u fog sidaa darteed waxaan u kaxeeyaa dukaamaysiga marmarka qaarkood” ayuu yiri saaxiibkaasi.
Wuxuu ku tilmaamay Mr. Kullane inuu yahay nin saaxiibtinimo leh, aqoon leh, wuxuuna raaciyay: “Waa taageere weyn oo kooxda Liverpool, aadna u jecel marmarna waxaan aadi jiray gurigiisa si aan ula daawado ciyaaraha”.
Booliska ayaa baaray Guriga Qoyska Harbi Cali, waxayna wareystaan aabaha iyo walaaladiis iyadoo baaritaan u qaatay Kombiyuutaradii uu lahaa iyo Telefoonkiisa.
E-mail uu ugu soo jawaabay su’aal ay wakaaladda wararka Reuters ka weydisay arrimahaan, ayuu Xarbi Cali Kullane ugu jawaabay in xilligan gaarka ah ay ku jiraan xaalad laga naxo oo aysan horay arag, sidaasi daraadeedna uusan diyaar u aheyn inuu ka hadlo sababo la xiriira baaritaanka oo billow ah.
