Wadahadalkii wafdiyadii Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa burburay intii aanu bilaaban kadib markii wafdigii Somaliland ay diideen inay hor fariisteen wafdigii dowladda Soomaaliya iyadoo diidan xubno ka mida wafdiga Soomaaliya oo asal ahaan ka soo jeeda degaanada Somaliland.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xeri Xaaji Cali ayaa shaaciyay inay ka baxeen shirkii isagoo intaas ku daray inuu shirkaasi fashilmay ayna qoraallo horeba u gaarsiiyeen dowladda Turkiga iyo Soomaaliya ayna ku caddeeyeen inaysan la xaajooneynin xubno Xamar ka yimid oo ka soojeeda Somaliland sida uu hadalka u dhigay. Wuxuuna ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay mas’uul ka tahay fashilka ku yimid wadahadalkii la filayay in arrimaha masiiriga ah laga hadlo.
[ad name=”HTML-2″]
Wafdiyadii dhinacyada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay berito ka anbabaxaan magaalada Istanbul iyadoo kusii kala jeeda Muqdisho iyo Hargeysa kadib markii dowlada Turkiga oo isaga dab qaadeysay labada dhinac ay ku fashilantay inay ogoleysiiso labada dhinac qabashada shirkii Istanbul ay ahayd inuu ka furmo shalay 1 March 2015.
Lama oga in dib la isugu soo laaban doono, laakiin geedi socodkii wadahadalka labada dhinac oo markii horeba aan cago badan ku taagneyn ayaa qarka u saaran gebi ahaanba uu hakado.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]