Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran iyadoo ciidamada amniga la soo dhigay xalay inta badan wadooyinka caasimadda.
Waxaa la joojiyey isu socodka gaadiidka Magaalada Muqdisho, taasoo sabab looga dhigay munaasabado lagu xusayo maalinta 26-ka June oo maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Federaalka.
Ciidamada ayaa hor istaagay gaadiidka gaarka ah iyo kuwa dadweynaha oo ay ku jiraan Mooto bajaajka, waxaana xirnaashaha uu saameynta ugu weyn uu ku yeeshay Wadadda mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama iyo wadadda kale ee Wadnaha.
Balanqaad ay bixiyeen madaxda Gobolka Banadir oo ahaa inaan wadooyinka la xiri doonin maalmaha xoriyadda ayaa shaqeyn waayey, markii xalay laga war helay in la xiray wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda.