Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gebi ahaan Caawa l xiray Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay socoto xafladda xuska 1-da July oo lagu qabanayo xarunta maamulka G/Banaadir.
Ciidamada amniga ayaa xiray dhammaan wadooyinka iyo isu socodka, waxaana la joojiyay gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka ah marka laga reebo Gaadiidka madaxda dowladda iyo kuwa ciidamada amniga.
Ciidamo fara badan ayaa lagu arkayaa wadooyinka, iyadoo wadooyinka haawanaya ay lugeynayaan dadweyne fara badan, waxaana la sheegay in maamulka Gobolka Banadir oo berri diyaariyey Basas waaweyn oo ah kuwii dowladda Qatar ku deeqday, kuwaasoo dadka ka qaadi doona wadooyinka iyadoo la geynayo garoonka Koonis oo lagu qaban doono xaflad lagu maamuusayo maalinta 1-da July ee xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur.