Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii ugu danbeeyay wadooyinkeeda isu bedeleen kuwo intooda badan lagu xiran markii jawaano ciid ah iyo shub lagu wareejiyay ayaa haddana lagu dhawaaqay in la sii xirayo.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in maalmaha soo socda la xiri doono waddooyin gaara, si loo sugo amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, isagoo ka codsaday shacabka inay u dulqaataan.
Doorashada waa cudurdaar kale oo loo helay in la xiro wadooyinkii yaraa ee u furnaa shacabka, waxaana ay shaki la’aan arrintan ciriiri ka dhigi doontaa nolosha iyo isu socodka dadka Muqdisho oo horeba u ahayd mid cakiran.
Wadooyinka furan ee dadku isticmaalaan ayaa sii yaraanayay magaalada Muqdisho, waxaana si aan hore loo arag wadooyinka loogu xiray biro, shub, jawaano carro iyo qaarkood oo gebi ahaan la jaray.
Dad badan ayaa is weydiinaya jidka furan ee la xirayo iminka, haddii aanay magaalada dhami noqoneyn mid xiran… waxaa lagu wadaa in la xiro wadadda hor marta dekadda Muqdisho & Afisyooye oo markii horeba qeyb ahaan u xirneyd, waxaa kaloo gebi la filayaa in la jaro wadadda Maka Almukarama ee hor marta madaxtooyada.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com