Wasiirka arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa gaaray dalka India, socdaalkiisii ugu horeeyay ee dalkaasi uu ku tago intii uu xilka qabtay.
Wasiir Yuusuf Garaad ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka India haweeneyda lagu magacaabo Sushma Swaraj oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran India.
Socdaalka wasiirka ayaa la xiriira sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas ib loogu soo celin lahaa dalkooda Soomaaliya, kadib heshiis dhex maray labada dowladood.
Waxaa lagu wadaa in wasiir Yuusuf Garaad iyo wafdiga la socda ayaa booqdaan Xabsiga ay ku jiraan maxaabiista Soomaaliyeed ee ku eedeysan burcad badeednimada.
SAWIRRO